Madaxweyne Ku-xigeenada Labada maamul ee Jubbaland iyo Galmudug Maxamuud Sayid Aadan iyo Cali Daahir Ciid oo shir ku yeeshay Aalada fogaan araga ayaa soo saaray War-saxafadedkaan.
“Waxaa lagu xadgudbay awood qeybsiga Beesha Sade waan in la isug imadaa wadatashi”
Waxa laga dareemayey go’aan ay wada jir u qaateen oo ay kaga hor yiimaadeen xukuumada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamse Barre soo magacaabay maalin ka hor.
Maxamuud Sayid & Cali Daahir ciid ayaa ugu baaqay xildhibaanada ku jira Federaalka kana soo jeeda Beesha Sade inay kasoo qeyb galaan shir ay soo qaban qaabiyaan.