XASAASI: Kenya Oo Damaceeda Cusub & Halista Soomaaliya La Rabto

0

Dawlad Kenya waxay si cad u jebisey oo ay ku xad gudubtay Qaranimada Soomaaliya,iyadoo Arimo xasaasi ah durba ka dhasheen.

Inkastoo aan sugeyno Warka kasoo baxa dawlada Soomaaliya,hadana guux weyn ayaa ka dhashay.

Wafdi ka socday Dawlada Kenya ayaa maanta si amar ay jebiyeen waxay ku tegeen Kismaayo iyadoo Hawada kusoo xad gudbay Amarkii xalay lasoo saarayna ka dhego fureystay.

Waa Awood tijaabin kale iyo Naqshad ay ku dooneyso in Kililka lixaad ay ka dhigato Kismaayo oo ay Jubbaland kula wareegto.

Aadan Barre Ducaale oo Xaflada Caleemo saarka Axmed Islaam ka hadlayey waxa uu cod dheer ku sheegay in Jubbaland iyo Kenya Arimo badan iskaga xiran yihiin.

Waxa uu sheegay in ay Nabad ka dhacda Jubbaland ay Nabad noqoneyso Kenya,taas oo dadku macno kale ufasirteen,Soomaaliya ma uusan dhihine Jubbaland ayuu yiri.

Aadan Ducaale waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidanka Kenya Ee Kismaayo Jooga aan lagu xumeyn Magac ahaan oo ay yihiin kuwii Kismaayada Maanta lagu qabtay Caleemo saarka ka saaray Al Shabaab.

Warka Kenya waa mid Caanaha Geela ka cadaa,oo ay ubisan bisootay Qaadashada dhul hor leh,xilli Soomaaliya Kiiska Badda ay ku dagaalamayaan oo Maxkamada ICJ hor taalla.