XASAASI: Horjoogeyaal sar-sarre oo Al-Shabaab ka tirsan oo lagu khaarijiyey howlgal

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa in ka badan 30 ka tirsan Al Shabaab ku dilay howlgal ay xalay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Deegaanada Ceel Saliini iyo Gedershe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa fuliyey Ciidanka Xoogga dalka kuwaas oo weerar ku qaaday xarun xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda ay ku sugnaayeen, sidda ay sheegeen saraakiil sar-sarre.

“Tani ayaa qeyb ka ah Howlgalada Ciidanka Xoogga dalka Maleeshiyaadka Al Shabaab uga saarayaan Deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose,” sidaasi waxaa laga soo xigtay saraakiisha.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan sheegashadan oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya iyadda oo Al-Shabaab ay dhowaan weerar ku bilowday qaraxyo ay ku ekeysay saldhiga ciidamadda xooga ee tuuladaas, iyaga oo ka furtay saanad ciidan iyo gaadiid dagaal.