Xasaasi: Beesha Caalamka oo Ra’isul Wasare Rooble u dhiibtay 11 shuruud oo la xiriira doorashada

0

Shalalay waxaa teendhada Afisyooni ee magaaladda Muqdisho ku shiray Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble iyo wakiiladda beesha caalamka gaar kuwa loo yaqoono C6+ shirka ayaana laga soo saaray qoraal lagu cadaynayo mowqifka beesha caalamka ee doorashooyinka Soomaaliya.

Warbaahinta  ayaa heshay document ay ku cadyihiin qodobadii ka soo baxay Shirkaasi.

1:In mudnaanta 1aad la siiyo in ciidanka Milatariga magaaladda Muqdisho looga saaro sida uga dhaqsiyaha badan.

2:In heshiiskii 17 Sebtember 2020 la dhammaystiray laakiin uu u baahanyahay horumarin iyo wax ka badal iyo in Dowlad-goboleedyada loo gudbiyo qorshaha iyo soo jeedinta kulanka kahor iyo in si degdeg ah loogu baahanyahay jadwalka shirka looga hadlayo arimaha doorashooyinka.

3: Miisaaniyadda- in qarashka soo gala dowlada uu noqdaa mid hufan. Lacagta oo dhami waa in ay ku jirtaa khasnada dowladda. Iyada oo Booqashadii Wakiilka Qatar uu sababtay tuhunno.

4: UK- in Safiirku uu sheegay in ay ka walaacsan yihiin rabshadihii Muqdisho ka dhacay usbuucii la soo dhaafay, Soomaaliyana ay tahay in ay si dhaqso leh ku qabato doorashooyinka. Wadahadalka doorashada ma fashilmi karaan sababtoo ah cawaaqib xumada ka dhalan karta ayaa ka wayn.

5:Waxaa la isku soo hadal qaaday in loo baahanyahay guddi kormeera wada hadalka doorashooyinka balse Mareykanka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu ka caawiyo Soomaaliya kormeerka doorashooyinka.

6:Amniga doorashada- Ciidanka AMISOM iyo kuwa Amaanka Soomaaliya ayaa ka wada shaqaynaya amniga doorashooyinka.

7:Qorshaynta nidaamka doorashada waa in ay bilaabato maanta( 05 May 2021). Ra’iisul wasaaruhu waa inuu hogaamiyaa arimaha doorashooyinka Maya Madaxweyne Farmaajo ama Dowlad-goboleedyada.

8:Mareykanka wuxuu wali wadaa howlgalada milatari ee wadajirka ah ee ku taageerayo ciidanka Xoogga dalka SNA. Talaadahii askari ayaa uga dhintay gudaha Soomaaliya. Soomaalidu waa in ay wajahdaa AlShabaab oo aysan ku mashuulin meelo kale.

9: Doowlada Mareykanka waxa ay cabsi ka qabtaa in doorashada Dib loo dhigo. Yamamoto waxaa looga yeeray Washington si uu warbixin uga siiyo Maraykanka dadka ku lugta leh in ay dib u dhigaan doorashada.

10: Waqtiga doorashada iyo waqtiyada loo qabtay ayaa loo baahan yahay. Qaswadayaasha ayaa lala tartami doonaa.

11: AMISOM ayaa taageeri doonta amniga doorashada, Taliska booliska DFS iyo DG dalka waa in ay qayb ka noqdaan wada hadalka amaanka doorashooyinka.

Muqdisho-Somalia