Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Farmajo ayaa caawa la filayaa inuu jeediyo khudbad Taariikhi ah uu ku cadeynayo go’aankiisa siyaasadeed ee dalka.
Farmajo ayaa la filayaa inuu ka hadlo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo go’aanada ay qaateen maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Ra’isul Wasaare Rooble, kuwaa oo diiday muddo kordhinta kuna baaqay heshiiska 17-kii September in lagu laabto.
Go’aanada ay qaateen garbihii siyaasadeed ee Farmaajo ayaa salka ku haya khilaafyada ka dhashay doorashada iyo colaada ka taagan Muqdisho.
Hadaba Farmaajo go’aankiisa wali sooma bixin balse Labadan Qodob ayaa ah kuwa ugu weyn ee saameynta yeelan kara.
1: In Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqo iscasilaadiisa islamarkana uu u tanaasulo danta iyo dalka.
2: iyo in uu ku raaco maamulada go’aanada qaateen islamarkana uu ka tanaasulo muddo kordhinta Labada sano, aqbalana heshiiska 17-kii September islamarkana uu hogaaminta doorashada ku wareejiyo Ra’isul Wasaare Rooble isna uu sheegto musharaxnimadiisa madaxweyne.
Labadaas qodob hadii uu mid kamid ah Farmaajo qaato xaaladda siyaasadeed ee dalka waxbadan ayaa iska badali doona, waxaana meesha ka bixi doonta xiisada siyaasadeed ee ka taagan dalka.
Waxaa dhanka kale laga cabsi qabaa inuu ku adkeysto Labadiisa sano taa oo xaaladda sii xumeyn karta iyadoo ay gaari karto heerkii ugu darnaa.
Muqdisho-Somalia