XAQIIQDA QARSOON: Heshiiska Hordhaca Shirka Afisiyooni Yey Dan Ugu jirtaa?

0

Shirka Afisiyooni ayaa isha ay ku foogan tahay war murtiyeedka kasoo bixi doona kadib is afgarad hordhac ah oo la gaaray saacado ka hor.

Soomaaliya oo wajaheysa xaalad adag ayaa waxa la isku diyaarinayaa doorasho la qabto balse ismari waa ay hortaagneyd muddo sanado ah.

Ilo ku dhaw Shirka Afisiyooni waxay sheegayaan in Madaxweyne farmaajo uu aqbalay in laga qeyb geliyo Shirka Wadatashiga Doorashada Madaxweynayaashii hore iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale Bulshada Rayidka Xubno metalaya ayaa kulankaasi ka qeyb geli doona,taas oo fududeyn karta in qodobadii ugu adkaa laga gudbo.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa hore waxay u ahaayeen kuwo uhardamayey sidii doorasho qof iyo cod uqaban lahaayeen balse ay suurta geli weysay.

In hadda shirka Afisiyooni lawada eego waxa kasoo bixi doono,iyadoo la leeyahay Villa soomaaliya waxay qaadatay door ah inay hesho fursad kale oo muhiim ah.

Doorashada ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Taliye Fahad Yaasiin ay dejiyeen naqshad ah in xukunka aanay gacantooda ka bixin.

In loo ogolaado Xasan Sheekh,Shariif Sheekh Axmed,Cabdi Xaashi iyo Bulshada Rayidka Shirka wadatashiga guud ee doorashada Soomaaliya ayaa dano qarsoon ku hoos jiraan.

Si aan Beesha Caalamka kalsoonideeda ulumin waxay diyaarineysaa Madaxtooyada Soomaaliya damac walbo oo qancin ah balse carab laad laadinta ayaa ah mid ay ku hoos jirto dharbaaxo siyasaadeed oo mucaaradka lala damacsan yahay.

Tani waxay dani ugu jirtaa Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiisa Nabad iyo nolol oo hardan adag ugu jira sidii aan Kursiga meel aan iyaga aheyn u aadin.