24 bilood ayaa waxaa isku dayayay in aan baaritaan ku sameeyo dhibaatadda ku habsatay dowladnimadda Soomaaliiya iyo sida maalinba maalinta ka dambeysa ee xaaladda dalka u sii xumasneyso dhan walba. Dhanka aminga, siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada, dhaqanka iyo xitaa diinta oo caqiido la isku heysto… oo ah arin qariib ku ah mujtamaca Soomaaliyeed.
Meel walba oo laga fiiro adeega hay’addaha dowladdu ay bulshadda u hayaan kama muuqto wax lagu naaloon karo oo la dhihi karo aleylahay halkan waxaa la gasray hurumarkaa yar. Haddaba dhibaatadam xagee ka jirtaa? Maxay dowladnimadda Soomaalidu u hanoqaadi la’ dahay?
Waxaa dhab ah oo uu horumar iyo wax qanad lataaban karo ka muuqdaa hay’addaha iyo shirkaddaha gaarka loo lee yahay ee dalka ka jira, hase ahaatee qoraalkeyga dhinacaas ma quseeyo.
Kharsha ugu badan ee dakhliga yar ee dowladda waxaa uu ku baxaa hay’addaha ugu wax soo saarka yar ee dowliga ah. Lacagta inta badan waxaa mushaar ahaan u qaata xubnaha baarlamaanka iyo Golaha wasiiradda iyo hay’adaha kale ee muhiimka ah ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Wasaaradaha iyo hay’adaha dalka iyo dadka wax soo saarkiisa iyo dakhligiisa lagu xoojin karo, waxay qabtaanba daaye waa magac u yaal.
(Wasasradaha beeraha, xanaadada xoolaha iyo kaluumeysiga intaba waa fadhiid. Kaabayaasha dalka oo ay ka mid yihiin wadooyinka, buundootinka, dekadaha iyo wixii la mid ah Ilaah baa og xaalkooda.)
Wado la dhiso daaye kuwii dhawaan la dhisay ayaa dayac xumo la liita. Shacabka wado la a’aantii ayaa waxaa u dheer in jid walba ay taagan yihiin dad lacag baad ah dadka wadooyinka iyo gaadiidka uga qaata.
Gobaladdii dalka wado iskuma xirto waa in aad diyaarad rascdaa ama safarkasgu uu noqdo silic iyo khatar amniga qofka musaafarka ku timaadda. Goboladda qaar waxaa jira magaalooyin aanba waxba la geyn karin ha ahaato daawo, cunno iyo sahay kale.
Dad badan ayaa isweydiinaya maxay xaaladdu sidaas u tahay oo wax looga qaban la’yahay?
Dal walba waxaa horumariya dadkiisa, haddii aad dalkaaga iyo danta guud aad dayacdo ma jirto cid kuu qabaneysaa howala aasaasiga ah noloshaada iyo tan bushadda intaba. Hay’ad walba oo guuleysata waxaa guushaa loo tiriyaa dadka hay’adaa ka shaqeynaya.
Marka ay timaado howl aqoonta ma aha mid lagu dhasho waxay ku timaada tababar, wax- barasho iyo dadaal badan. Soomaalida marka la fiiriyo shaqsi shaqsi dadaalkooda kama liito dadyowga kale ee caalamka, bal iyaga ayaa ka fiican. Xaqiiqadaa waxaa lagu ogaaday dadka dibaddaha u shaqo tagay rag iyo dumarba iyo waxa la taaban karo oo ay noloshooda gaarka ah ku soo kordhiyeen iyo mid guudba.
Ogow, dowladda Soomaaliyeed waxaa waaye mashruuc ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed oo ay tahay in qof walba uu si wanaagsan oo wax tar u leh doorkiisa ku qaataa. Kaalinta ku aadan haddii uu dayacana, waxay saameyn ku yeelaneysaa hadafka guud ee mashruuca iyo guisha uu tiigsan karo. Haddii aad madaxa ka jiran tahay qeybaha kale ee jirka ee qaba caafimaadka waxtarkooda macno bafan ma yeelanayo.
Sidaa si la mid ah ayaa la rabaa si dhibkan khatarta ku ah dowladnimadda iyo Soomaalinimadda loo helaa madax fiyow ee dalka iyo dadka waxtar u yeelan kara. Waa haddii la rabo in uu dalkan hagaago.
Muwaadinitiinta Soomaaliyeed waxaa waajib ah in ay ogaadaan qofka magacaaga ku fariisanaya baarlamaanka haddii uusan xilkaas u qalmin in ay ugu dambeyn adiga iyo caruurtaada uun dhibka ku soo noqon doonto. Fursadaas hadda ayeey jirtaa ee loo dareeayo doorasho dadban oo noqoneysa midda ugu adag taariikhda doorashooyinka dalka.
Ergooyinka ay qabaa’ilku soo xulanayaan oo ka kooban qeybaha kale duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyaradda, odayaal dhaqan iyo culimadda waxaa laga rabaa in ay keensadaan dad wax gal u noqqon kara dadka iyo dalka…
Taladaa haddii ay maanta ku seegto ma jiro doonto doorasho dadban oo kale oo ay qabaa’ilkii mansabka dowladda ku helayaan afar dhibac shan…. Ogow, awood qebsiga qabiilku ma aheyn xaq ee waxaa uu ahaa xal. Haddii la waayo dad u qalma in ay hagaan dowladnimadda Soomaaliya ay ugu danbeyn iyaga kugu soo noqon doonto.
Haddaba waxaa hubaal ah in Jufo walba dadkeeda rag iyo dumar kala yaqaanaan, haddii aysan kaalintooda gudan, cid kale yeeysan eedin. Dalkan kuma sii jirayo xaaladda hadda taagan, dadkii oo dhan waxaa ka dhamaaday dulqaadkii iyo sabarkii. Doqon iyo damiin danbe lama sugi karo, waqtina looma hayo.
Dhibka iyo kadeedka ayaa waxaa uu dadka siiyaa khibrad uu kula tacaamulaan xaalad kasta oo adag. Dalkan dantiisa guud waxay ku jirtaa iyadoo aan la is ihaaneyn in qof walba waajibaadkiisa guto. Qaanuunka iyo dastuurka lagu heshiiyayna la wada ilaashado haddii la diido, waxaad ogaataa dhibka ugu weyn adigaa mudanaya. Damiin dambe warkiisu wuu dhamaaday… Haddii aad rabto in aad naftaada been been ku maaweyliso runtaa la isugu iman ee adkeysi u yeelo…
Waxaa ogaataa in wax ixsaana aada cidna u sameyneyn oo aan naftaada ka aheyn… danahaaga iyo mustaqblkaaga ka shaqee. Xildhibaanadda baarlamaanka iyo golaha wasiiradda ha ogaadeen in mushaar la’aan aysan noolaan karin… kuraastoodana aysan ku sii fadhin doonin haddii aysan u qalmin in ay u adeegaan bulshadda Soomaaliyeed ama kurasiga aad soo boobto ama laguu soo boobo ama been been wasiir lagaaga dhigo. Raggii waxaa sameeyay ayaa horay u eeday oo ka shalaayay…
Waqitigii damiiniinta waa uu dhamasday ama ka nax ama ku farax, Soomaaliya xaaladan kuma sii jiri karto. Ha dhihin ma ogeen, halka dalkan laga haysto. Waxaad fiirisaa liiska magacyadda xildhibaanadda iyo golaha wasiiradda ee dowladda hadda jirta iyo qabiiladda iyo jufooyinka ay ka soo jeedaan.
Dalkaan waxaa dowlad u noqonaya oo kaliya mustaqbalka; dadka wax galka ah ee canahuurta bixiya oo dowladnimo wanaagsan raba, ayaamihii isku dul noolaadku waa dhamaaday iyo doqonimadda joogtada ah. Dhamaad.
Waxay sidoo kale leedahay wargeys, raadiye, television, bogag internetka iyo baro bulsho.)
Qore: Mohamed Mohamud Cadde.
Waa Aqoonyahan iyo lafegure arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.
(Qoraalku waa xirfad muhiimadeeda leh ee u kaasho si waxtar u leh bulshada).