Xaalka Kismaayo oo lacag badan la geeyey & Doorashada Berri dhaceysa

0

Qaar kamid ah musharraxiinta u tartamaaya Baarlamaanka Aqalka sare ayaa maanta qaatay shahaadada musharraxnimada.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka ayaa maanta  guddoonsiiyay shahaadada guddoonsiiyay qaar kamid ah musharraxiinta u tartamaaya Aqalka sare ee lagu wado in doorashadiisu ka bilaabatay Kismaayo maanta berri ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 29 Luulyo 2021.

Jubbaland ayaa noqonaysa Dowlad Goboleedkii ugu horreeyay ee hirgaliya doorashada 2020/2021.

Dhinaca kale wararka la helayo ayaa sheegaya in lacag badan la geeyey Kismaayo oo kuraasta xildhibaanada la doonayo in murashaxiinta isku soo saaraan.

Inta badan murashaxiinta shahaadada la siiyey waxaa ay ubadan tahay in ay guuleystaan maadaama saaxiib dhaw la yihiin madaxweyne axmed Madoobe.