Wiil Dhalinyaro Ah Oo Lagu dilay Muqdisho & Meydkiisa Oo Cabaar Yaallay Wadada

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Warta Nabada ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ah.

Dilka waxaa geystay Labo nin oo dareeska Tuutaha dawlada watay waxaana ay saarnaayeen Mooto iyagoo dilay Wiilkaan oo Mootada Feekon watay.

Waxa uu ka dhacay si gaar ah Isgoyska Siinaay Meel ku dhaw,goob joogayaasha waxay sheegeen in gacan ku dhiiglayaasha ay baxsadeen dilka kadib.

Meydka wiilka la dilay ayaa Muddo yaallay Halka lagu toogtay,waxaana markii dambe meesha tegay Ciidamo katirsan Dawlada Soomaaliya.

Lama oga dilkaas waxa ka dambeeyey iyadoo Laamaha Amniga aysan war kasoo saarin,waa dilkii 2aad Ee ka dhacay Muqdisho maanta keliya,Saaka isna waxaa Koox Hubeysan ay ku toogteen Degmada Wadajir Ee Muqdisho.