Home WARARKA Weerar isugu jira Qaraxyo & Mid toosa oo lagu qaaday Saldhig ay...

Weerar isugu jira Qaraxyo & Mid toosa oo lagu qaaday Saldhig ay AMISOM ku leeyihiin G/Sh/Hoose

0
SHARE

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa weeraro kala duwan ku qaaday Saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarka koowaad, ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Golweyn oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose, halkaasi oo Saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin lagu weeraray xalay, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay weerarkaasi oo soo gaaray ciidamada AMISOM ee Saldhigaasi lagu weeraray.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa weeraray Saldhiga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ambareeso ee Gobolka Shabellaha hoose, markii Xoogag ka tirsan Shabaab dhawr jiho ay ka weerareen Saldhiga.

Weerarka oo socday muddo ku dhaw saacad, ayaa la tilmaamay inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aanan la xaqiijin karin tirada waxyeelada dagaalka.

Al Shabaab ayaa sidoo kale qarax miino loo adeegsaday ka fuliyay Degmada Qoryooley, gaar ahaan goob ay isugu yimaadaan ciidamada, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare ugu yaraan, hal askari ayaa halkaasi ku dhintay.

Sarkaal dowladda ka tirsan ayaa sheegay qaraxa miinada oo la galiyay goob ciidanka fariistaan hal askari inuu ku dhintay, balse khasaare kale uusan jirin.

Muddooyinkaan dambe Al Shabaab ayaa culeys Militari saaray Saldhigyada ciidanka ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha hoose.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE