Wax Ka Ogoow Sida Norwey U Abuurtay Muran gelinta Shidaalka Soomaaliya?

0
139

Shirkadda STATOIL ee ay maalgeliso dowladda Norway, waa shirkada ugu aqoonta badan dhanka soo saarida bartoolka bada aad u hooseeysa ku jira, waa shirkad hanti badan leh haysatana taageerada Dowlada Norway.

Mudo dheer waxay aad u daneeynaysay shidaalka Soomaaliya ee bada hoosteeda ku jira, ayadoo kaashaneeysa dowladeeda waxay bilaabeen inay maal-gelin ku sameeyaan shirkii Jabuuti ee ugu horeeyay ee dowlad lagu soo dhiso burburkii dalka ka dib. Waxay aad u maal geliyeen dhanka dastuurka iyo xiriirka Soomaaliya. Ula jeedadooda ma ahayn oo kaliya inay Soomaaliya caawiyaan ee waxay ahayd inay dantooda shidaalkana ay gaaraan.

Waxay bilaabeen inay u soo bandhigaan qorshahooda ku aadan batroolka geeska Africa, qaasatan Kenya iyo Soomaaliya waxayna doonayeen in shidaalka laga baaro Kenya, laakiin waxay ogaadeen xirmooyinka ugu waaweyn ee shidaalka inay ku jiraan dhanka Soomaaliya qaasatan xirmadda L12 oo ah mida ugu wayn ee shidaalka ku jiro.

Haddaba waqtigaas Norwey waxa ay la xiriirtay dawladii uu hogaaminayey Allaha u naxariistee Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed arimahaas ayeyna u bandhigeen laakiin wuu diiday qorshahooda, wuxuuna ku yiri arimahaas hada dalkeena diyaar uma aha, isagoo ka baqaayay In si sahal ah loola wareego shidaalka Soomaaliya. dabeedna Markii ay ku wareereen Soomaaliya oo lacag badan laga cunay, waxay la yimaadeen startijiyad kale oo sahlan.

Qorshahaasi oo ahaa in dhulka iyo shidaalka Soomaaliya lagu wareejiyo Kenya, dowlada Kenya markii ay maqashay lacagtaas badan ee ku jirta way soo dhaweeysay, waxayna u dejisay qorshahii lagula wareegi lahaa batroolka Soomaaliya tasoo ah in muran la geliyo xadka Soomaaliya.

Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf iyo maamulkiisii markii ay meesha ka baxeen, xukuumadii ka dambeeysay oo Ra’iisal wasaaraha uu ka ahaa Cumar Cabdirashiid ayaa laga fuliyay qorshahii ay wadajirka u wadeen Kenya iyo Norway, taas waxaa cadayn u ah heshiiskii is af garadka (MOU), ee muranka geliyay bada soomaaliyeed kaas oo ay saxiixeen Wasiirkii arimaha Dibada KENYA ee xiligaas Moses Wetangula iyo Wasiirkii Qorsheeynta Soomaaliya Cabdiraxman Cabdishakuur Bishii April Sannadkii 2009, waxaana qoray heshiiska Norwegian Ambassador on Special Mission, Mr. Hans Wilhelm Longva meesha heshiiska lagu kala saxiixanaayay waxaa joogay Amb. Hans iyo gabar la yiraahdo Ms. Rina oo ka socotay safaarada Norway ee dalka Kenya.

Ka dib Norway si aysan kaligeed ugu noqonin qorshahaas waxay arinta ku casuuntay shirkadaha batroolka reer Yurub kuwa ugu waaweyn sida Total, ANI.

Haatan markii ay ogaadeen inuu qorshahaasi gaaray dacwad heer caalami, shirkadaha qaarkood oo la siiyay shatigii shidaalka lagu baaraayay, ayaa waxay shirkadahii dib u codsadeen in lacagtooda ay Kenya soo celiso. Waa taas mushkiladda ugu wayn ee Kenya haatan haysato.

Hadaan nahay dadka Soomaaliyeed ee xoogaa ka fahamsan arimahaas waxaa nagu waajib ah inaad dadkeena la wadaagno.

Soomaalida waa inay fahantaa waxa leysku haysto waa oil ama Saliid.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Sheiknor Abucar Qassim