Wasiirka gaashaandhiga soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa ka hor doorashada berri dhaceysa fariin udiray xildhibaanada golaha shacabka.
Wasiirka ayaa codsaday in xildhibaanada ka sugayaan inay uhiiliyaan isbadelka uu ula jeeday in aysan dooran Farmaajo.
MUDANE XILDHIBAAN ISBEDEL HOGAAN U CODEE..
Maalinta berito ah waa maalin ku weyn shacabka soomaaliyeed, iyada oo ay maalin qaran tahay ayaa hadana waxaa dhacaayo doorasho taariikhi ah.
Waxaan baaq u dirayaa wakiilada shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Koofur Galbeed Soomaaliya.
Waxaad haysataan fursad dahabi ah oo aad ugu hiilin kartaan Soomaali iyo dadka reer KGS oo horumar Amni iyo Dhaqaale midna u kordhin 5 tii sano ee la soo dhaafey, taasoo ay u sii dheertahay cadaalad daro iyo maqaamki ay lahaayeen oo aysan ka helin hogaanka xilkiisu dhamaaday.
Fadlan mustaqbalkaaga, kan waalidkaaga, ilmahaaga, walaaladaada iyo dhamaan dadka deegaanka KGS iyo Soomaali guud ahaan ugu hiili codkaaga oo isbedel-hogaan u codeey.
U HIILI HOGAAN SUUBAN