Dowladda Kenya ay si kedis ah u dhaqan gelisay xayiraad cusub oo ay ku soo rogtay mas’uuliyiinta dowladda Somalia ee wata baasaboorka diblomaasiga, iyadoo joojisay habkii fiisaha dalkeeda lagu siin jiray garoomada dalkaasi, sida ay labada dal ku heshiiyeen wargelin la’aan.
Go’aanka cusub ee Kenya oo qeyb ka ah cadaadiska ay saareyso dowladda Somalia wuxuu dhaqan galay shalay, waxaana uu qabsaday wafdi ka socday dowladda Somalia oo magaalada Nairobi uga qeyb geli lahaa shir maanta ka furmaya oo looga hadlayo shaqaaqooyinka ka dhaca xuduudaha, kaasoo uu soo qabanqaabiyey midowga Yurub.
Wafdiga dowladda Soomaaliya oo ahaa xubno kala duwan oo siyaabo kala duwan ugu socday Nairobi ayaa ka koobnaa: Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur, wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha Cismaan Libaax Ibraahim, La-taliyaha Madaxweynaha Cabdi Saciid Muuse, iyo laba senaror Ilyaas Cali Iyo Samsam Daahir ayaa kala qeybsamay markii ay mas’uuliyiinta socdaalka Kenya ay u diideen inay fiiso saaraan baasaboorka Soomaalida.
Labada wasiir iyo la-taliyaha Madaxweynaha wuxuu mid waliba adeegsaday baasaboor ajnabi ah ee uu watay [Wasiirka Qorsheynta- Canada, Wasiirka Caafimaadka -Italy, La-taliyaha madaxweynaha- Netherlands], waxayna sidaas ku galeen Nairobi, waxayna ka dhaqaaqeen saaxiibadood iyagoo ajnabi isu bedelay; halka Wasiir kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Cusmaan Libaax, Xildhibaan Ilyaas Cali iyo Samsam Dahir lagu xayiray Garoonka Jomo Kenyatta, kadibna saaka lagu celiyay magaalada Muqdisho.
Tallaabada ay qaadeen wasiirada Soomaalida ee ajnabiga noqday ayaa si weyn loogu cambaareeyay baraha bulshada, waxayna dadka qaarkood ku tilmaameen damiir xumo iyo damqasho la’aan, iyagoo sabab uga dhigay inay qeyb ka tahay mas’uuliyiinta labada dhalasho heysta.