Wasiirada magacaaban oo bilaabay olole codka kalsoonida loogu raadinayo xukuumadda

0

Golaha wasiirada magacaaban ee Soomaaliya ayaa dhankooda ka bilaabay olole ay xukuumadda cusub codka kalsoonida uga raadinayaan golaha shacabka oo maalmaha soo socda la filayo in la horgeeyo.

Dadaaladan oo saf balaaran leh dadka wax ka wada waxaa kamid ah madaxweynaha dalka Xasan sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, iyadoo ay banaanka u soo baxday guuxa xildhibaanada qaar ee ka dhanka ah golaha wasiirada ee cusub.

Waxaa la arkayay qaar kamid ay golaha wasiiradda oo uu ku jiro Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Nuur Jaamac oo kulan gaar ah la yeelanaya xildhibaanada beeshiisa, si uu ugu qanciyo iney codka kalsoonida siiyaan marka la horgeeyo baarlamaanka, waana amar ka yimid dhinaca ra’iisul wasaraha oo faray iney dhankooda juhdiga galiyaan cod siinta.

Si kastaba, Xukuumaddihii hore marka ansixin looga raadinayo Baarlamaanka si mideysan oo aqlabiyad leh ayaa loo meel marin jiray, inta aan ka xusuusto Dowladdii KMG, gaar ahaan Xukuumaddii Cali Maxamed Geeddi ayaa Baarlamaanka kalsoonida u diiday bishii December 2004 xilligii ay dowladda iyo Baarlamaankii 8aad ay xarun u aheyd Nairobi inta aanay dalka u soo guurin.

Haddaba guuxa ka soo yeerayo xubnaha Xildhibaannada iyo abaabulada ay wadaan ma horseedi doontaa in Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse uu Golaha Shacabka kalsoonida u diido?

Muqdisho-Somalia