Wasiir Sabriye Oo Maanta dhuuso mareeb kulan kula yeeshay Sheekh Shaakir

0

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku guuleystay xalinta xurguftii Ahlusuna ay qabeen,ayna hadda diyaar u yihiin shirka Beelaha Galmudug dega loo qabanayo.

Kulanka waxaa uu maanta ka dhacay Magaalada dhuuso mareeb Xarunta loogu talo galay inay Ku shaqeeyaan Gudiga Qaban qaabada Shirka Nabada beelaha Galmudug.

Waxa goob joog ka ahaa Kulankaasi madaxa xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan,iyadoo Dabino siyaasadeed ay dhanka kale socdaan.

Sheekh Shaakir ayaa madasha ka sheegay inay Ahlusuna udiyaar san tahay Shirka la qabanayo Sabtida Soo socota 17 Bishana ku beegan.

Maalmo ka hor Sheekh Shaakir waxa uu ku eedeeyey Ra’iisal Wasaare Kheyre inuu ballanta kaga baxay Ahlusuna balse waxay hadda umuuqataa in looga garaabay wax tabashadii ay qabeen.