Wasiir Isloow Oo Deg Deg Uga Jawaabay In Sheekh Shariif La Hareereeyey

0

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale (Isloow) ayaa si kulul uga hadlay Arimaha jira ee Ciidanka la sheegay inay isku hareereeyeen guriga Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wasiir Isloow iyo Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa Ehel ahaan is xiga waana sababta keentay in deg deg uga jawaabo Eedeymo jiray.

“Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam. Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur ayuu yiri” Wasiirka Amniga.

Labo Habeen ka hor ciidamo katirsan Dawlada ayaa howlo kormeer ah ka sameeyey guriga uu ka deggan yahay meel ku dhaw Sheekh Shariif Sheekh Axmed gudaha Muqdisho.