Wasiir Gacan-yare u ahaa Axmed Madoobe oo Qarsoodi u yimid Muqdisho & Qorshaha DF

0

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi (C/rashiid Janan) oo Wasiirka ugu dhow iyo gacan-yaraha madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si qarsoodi ah u yimid Magaalada Muqdisho.

Wasiir C/rashiid Janan oo safarkiisa aan a shaacin ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhoweeyay xubno uu horkacayo wasiiru dowlaha xafiiska Raiisal wasaaraha C/raxmaan Dheere, waxaana la sheegay in la dejiyay Xarunta Hay’adda NISA, waxayna wararku sheegayaan in wasiirkan ay dowladda Somalia kala hadli doonto arrimaha doorashada maamulka Jubbaland iyo qorshe ay ka damacsan tahay oo ah in meesha laga saaro Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirtay saameyn ay ku yeelato doorashada Jubbaland, waxaana sii xumaaday xiriirka Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka, iyadoo imaanshaha Muqdisho ee C/rashiid Janan ay xaalad cusub gelineyso ololaha dowladda Federaalka ay ku dooneyso inay xubno iyada taabacsan kusoo baxaan hoggaanka maamullada Galmudug iyo Jubbaland.