Wasiir Fiqi Oo Awoodiisa Isticmaalay Kana Soo Saaray Galmudug Haramacad

0

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa waxa uu ku qasbay in ciidankii Booliska Haramacad dib looga soo celiyo Deegaanada Galmudug.

Warar ayaa sheegaya in Booliska Dawlada Dhexe udirtay Xilligii Doorashada Galmudug soo dhaweyd dib looga soo celiyey Dhuuso mareeb iyo Qeybo ka mid ah Guriceel.

Wasiir Fiqi ayaa umuuqda inuu durba ka dhabeeyey Rabitaankiisii ahaa in Haramacad looga baahneyn Galmudug isagoo sheegay in ciidan gaar ah Galmudug loo dhisi doono.

Axmed Macalin Fiqi weli waa Mucaarad dadban oo Dawlada Nabad iyo Nolol ah,xil magacaabistiisa waxaa diidanaa Xubno aad ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo inkastoo Kheyre iyo Fiqi ay muddooyinkii dambe fiilada iskugu xirneyd.

Booliska Haramacad ayaana diyaarad ay kasoo dejisey Muqdisho sida ay xaqiijiyeen Saraakiil lagu kalsoon yahay oo katirsan Booliska Soomaaliya.