Wasiir Dubbe & Siyaasiyiin Caan ah oo sanadkaan aqalka sare ku biiri doona

0

Liiska murashaxiinta golaha aqalka sare ee gobollada wuqooyi waxaa maanta lagu wareejiyey R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyadoo ay siyaasiyiin caan ah kasoo dhex muuqdeen.

Dadka inay dib usoo laabtaan la rajeenayo waxaa ka mid ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo gudoomiyaha golaha Aqalka sare ahaa iyo Muno Cumar Xasan.

Liiska murashaxiinta golaha senet-ka Soomaaliya lasoo gudbiyey waxaa ku jira siyaasiga Cabdi Ismaaciil Samatar oo Prof,Jaamacadaha Mareykanka dhiga ah islamarkaana muddo Arimaha Siyaasada Soomaaliya ku fooganaa.

Wasiirka Warfaafinat Soomaaliya Cusmaan Abokor Dubbe ayaa ka mid ah liiska soo gudbiyey iyadoo Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac uu isna murashax yahay.

Warqaad ayaa ogaatay in sidoo kale dadka sanadkaan la rabo in lasoo saaro uu ka mid yahay liiskana kasoo muuqday gudoomiyihii hore ee maxkamada sare Soomaaliya Dr Ibraahim Iidle Suleymaan.

Sidoo kale dadka liiska laga reebay inay kasoo muuqdaan waxaa ka mid ah Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo sanadkaan raadinayey in lagu soo daro.