Home WARARKA Wasiir Cawad Oo Kulan Xasaasi Ah Kula Yeeshay Dalka Itoobiya Haweeneey Wasiir...

Wasiir Cawad Oo Kulan Xasaasi Ah Kula Yeeshay Dalka Itoobiya Haweeneey Wasiir Ka Ah Dalka…

0
SHARE

Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Koonfur Africa Haweeneyda lagu magacaabo Ms Lindiwe_Sisulu isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Kulankan ayaa waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashi dhinac walba oo labada dal dhex mara.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu dhiggiisa dalka Koonfur Africa kala hadlay boobka iyo dilalka loo geysto Ganacsatada soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.

Dalka koonfurta Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali badan oo ganacsi ahaan halkaasi u jooga iyagoona dhibaatooyin kala kulma inta ay ganacsigooda ku guda jiraan waxaana loo geystaa falal isugu jira dil,dhaawac iyo in la boobo hantidooda iyadoona dowladda Koonfur Africa aysan waxba ka qaban arintan.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE