Wasiir Cawad Oo Ka Farxiyey Soomaalida London & Fariintii Uu Ka Waday Farmaajo

0

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxa uu la kulmay Jaalliyada Soomaaliyeed Ee dalka Ingiriiska.

Wafdiga Wasiirka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Dalkaasi Xaflad soo dhaweyn ahna kaga qeyb galay Magaalada London Ee Caasimada UK.

Khudbad uu ujeediyey Wasiir Cawad Bulshada Soomaaliyeed Ee London kula kulmay waxa uu kaga warbixiyey Hormarada Dawlada Soomaaliya ka gaartay Amniga iyo Siyaasada.

Waxa uu sidoo kale sheegay Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya in dhawaan Safiir Cusub Loo magacaabi doono Dalka Ingiriiska iyo Danjire Soomaaliya ujoogi doona Dalka Ireland.

Socdaalka Wasiir Cawad uu ku joogo Dalka Ingiriiska ayaa qeyb waxa uu ka yahay sidii Iskaashi Caalami ay Soomaaliya ula yeelan laheyd oo qoto dheer Waddamada ay ku jirto Britain.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA