Wasiir Cabdiqaadir Nuur oo tagay wasaaradda Gaashandhigga iyo kulan uu la qaatay saraakiil sar sare

0

Waxaa maanta wasaaradda Gaashandhigga ka dhacay kulankii ugu horeeyay ee Wasiirka Gaashaandhiga Xuluumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu la yeeshay taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabaas Aamiin Cali.

Kulanka ayaa waxaa looga wadahadlay inta uu socday howlaha ciidamada dowladda, la dagaalanka argagixsada iyo waliba sidii amaanka dalka gacanta loogu dhigi lahaa.

Saraakiisha uu kulanka la qaatay ayaa waxa uu kala hadlay wasiirka isla xisaabtanka qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka iyo waliba ineysan ku milmin siyaasadda.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku baarriyay saraakiisha Dardar-galinta Howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ka shaqeynta Horumarinta Ciidanka xoogga dalka.

Muqdisho-Somalia