Wasiir Caan Ahaa Oo Ku Dhintay Qaraxii Ismiidaaminta Ee Muqdisho

0

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo laga helaya khasaaraha ka dhashay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa Ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo loo adeegsaday gaari waxyaabo qarxa ka buuxeen ayaa la sheegay in lagu beegsaday Saraakiil iyo xildhibaano katirsanaa Dawlada Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya in dadka la aqoonsaday Ee Qaraxaasi ku dhintay ku jira Wasiirkii hore Ee Qorsheynta Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xaqiijiyey in Marxuumka uu ka mid noqday dadkii Saaka Qaraxaasi Lagu laayey Ee ka dhacay Degmada Boondheere.

Xuseen Ceelaabe ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii lasoo shaqeeyey Xukuumadihii Kumeel gaarka Soomaaliya marna soo noqday Wasiirkii Qorsheynta Soomaaliya.