Warqad Uu Qoray Gudoomiye Mursal Oo Loo Diray Farmaajo & Kheyre [Maxaa Ku Qornaa+Akhri]

0

Warqad uu qoray Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa la sheegay in uu udiray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxa uu sheegay Gudoomiye Mursal Warqadaasna ku cadeeyey inay muhiim tahay sii deynta Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur oo sanad u xiran Dawlada Soomaaliya.

Maxamed Mursal ayaa ku qanciyey Bulshada Reer Koonfur Galbeed inay heli doonaan dhawaan gaar ahaan Ehelada Abu Mansuur Rooboow taas oo ah in lasii deyn doono.

Sanad kadib ayey ehelada Rooboow waxay rajo ka qabaan in xabsiga laga sii daayo wadaadka oo Xabsi guri ugu ah Dawlada Federaalka Magaalada Muqdisho.

Dawlada Madaxda ugu sareysa ayaa waxay sheegeen in lasii deyn doono Abu Mansuur Rooboow,hase ahaatee,waxaa jirtay in Gudi Malaaqyo iyo Xildhibaano K/Galbeed ka socday oo kulan la qaatay Hogaanka Dawlada Dhexe balse aysan waxba kasoo naaso cadaan.

Dawlada Qatar ayaa hadda diyaar u ah inay magan galyo siiso Wadaadka Rooboow abu Mansuur si la mid ah Maxamed Siciid Atom oo hadda dalkeeda ku nool.