Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland.
Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Puntland
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda.
Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay
XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen.
Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland.
Wuxuu Xeeriyey.
Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran.
Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq
Sahra Jaamac Saalax
Cali Jaamac Faarax
Cabdullaahi faarax Mire
Cabdullaahi Cabdi Ducaalle
Guulleed Saalax Bare
Jaamac Xirsi Faarax
Xafso Salaad Maxamed
Cadirisaaq Axmed Siciid
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.