Wareegto caawa lagu magacaabay mas’uuliyiin cusub & xilalka ay qabanayaan

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta magacaabey gudiga adeega garsoorka Koonfur Galbeed iyo gudoomiye ku xigeenka Amniga gobalka Baay.

Waxa uu umagacaabay gudoomiye kuxigeenka Amniga Ee gobolka Baay Isaaq Maxamed Isaaq.

Dhinaca kale Madaxweyne Lafta gareen ayaa 7 xubnood oo seddex abuukaatoyaal yihiin umagacaabay guddiga adeega Garsoorka Koonfur galbeed.

Waxa soo jeedinta guddigaan iska laheyd wasaarada cadaalada Koonfur galbeed oo tilmaamtay in baahi weyn loo qabay in guddigaasi la magacaabo.