Home WARARKA Warbaahinta Oo Loo Diiday Shirkii Maanta Kheyre & A/Madoobe Ku Yeesheen Kismaayo,Amar...

Warbaahinta Oo Loo Diiday Shirkii Maanta Kheyre & A/Madoobe Ku Yeesheen Kismaayo,Amar Lasiiyey Wasiir Jamaal (SAWIRRO)

0
SHARE

Warbaahinta Madaxa Banaan ayaa loo diiday inay soo tebiyaan oo warbixino ka diyaariyaan Shirkii Maanta Ku dhexmaray Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shirkaas waxa uu ka dhacay Guriga Martida waxaana xaadiray oo sidoo kale kusugnaa Halka kulanka ka dhacay Wasiirada Jubbaland iyo wafdiga Wasiirka Koobaad Ee Dawlada Soomaaliya La socday.

Waxa ugu weyn ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa sidii Jubbaland iyo Dawlada Dhexe iskugu soo dhawaan lahaayeen,Dawladnimada Sal adag loogu sameyn lahaa.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan Ayaa La amray in uu fuliyo qodobada kasoo baxay Shirkaasi,xilli Wasiirada Jubbalanad Saameenayo Amarkaasi.

Waxay umuuqataa in ay hadda isku soo dhawaadeen Jubbaland iyo Dawlada Dhexe,Shirkii Maantana waa loo diiday inay xaadiraan oo ay goob joog noqdaan wariyeyaashii Muqdisho Laga waday Ee Kismaayo kusugnaa.

 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE