Wararkii ugu danbeeyay Dagaalka Dhuusamareeb, Ahlu Suna oo qabsatay Xaafado ka mida…

0

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaalka saaka ka qarxay caasimadda Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ay halkaasi galeen maleeshiyada Ahlu Suna.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu dagaalku xoogeystay, waxaana socda dagaal toos ah, iyadoo labada dhinac ay adeegsanayaan Qoryaha ku rakiban Gaadiidka dagaalka iyo Qoryaha fudud oo laga maqlayo xaafadaha magaalada.

Maleeshiyada Ahlu suna oo xalay gudaha u gashay magaalada ayaa qabsatay xaafado ka mida magaalada sida Waxara-cadde iyo Waaberi, waxaana dagaalku bilowday saaka aroortii, markii ciidamada magaalada ku sugnaa iyo kuwa Ahlu suna ay isu dhaceen.

Guddoomiye ku-xigeenka Dhuusamareeb Cabdi Xaashi ayaa goor dhoweyd sheegay inay magaalada ka saarayaan, siina baacsaneynaa kooxdii ksoo duushey Magaalada Dhuusamareeb xilli ay rasaas laga maqlayey agagaarkiisa.

Dadweynaha magaalada ayaa bilaabay inay ka bara kacaan magaalada, kadib rasaas xoog leh oo xaafadahooda saameyn ku yeelatay.