Home WARARKA Wararkii ugu dambeeyey Dilal Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyey Dilal Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
SHARE

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa falal dil ah ay ka dhaceen degmooyin ka tirsan magaalada.

Dilka hore ayaa la sheegay inuu ka dhacay Xaafadda Dabaaayo Madow ee degmada Dharkeynley, halkaasoo lagu dilay nin oday ah oo dadka degaanka ka mida kadib markii uu salaadii taraawiixda kasoo baxay iyadoo ay rasaas ku furteen dabley ku hubeysan Bistoolado.

Ninka odayga ah ee dilka loo geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Gaadaay, waxaana goobta ka baxsaday dableydii falka dilka fulisay.

Dhinaca kale dil kale ayaa iska caawa ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxayna wararka qaarkood sheegayaan inuu qofka la dilay ka tirsanaa mas’uuliyiinta maamulka degmada.

Dhinaca kale rasaas xoog leh ayaa laga maqlay caawa isgoyska KM 5 ee magaalada Muqdisho iyadoo aan faahfaahin laga bixin cidda rasaasta dhacday ku lug lahayd.

Arrimahan ayaa dhacay iyadoo magaalada Muqdisho la dhigay ciidamo boqolaal gaaraya oo ay xiran yihiin wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda oo ku jira maalmihii ugu danbeeyay ee bisha Ramadaan.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE