Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Hiiraan & gudoomiye cali jeyte oo…

0

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray gobolka hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Dawlada ay la wareegeen deegaano hor leh oo katirsan gobolkaasi oo ay Al Shabaab kusugnaayeen.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa qabsaday deegaano hor leh oo al shabaab kusugnaayeen,waxaana lasoo warinayaa in meelo kale ay kusii jeedaan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa bogaadiyey guulaha isdaba jooga ah ay ciidamada soo hooyeen labadii isbuuc lasoo dhaafay.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac,Taliyaha ciidamada xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage,& saraakiil kale ayaa qeyb ka ah gulufka dagaal ee lagu xoreynayo deegaanada al shabaab kusugnaayeen.

Deegaanada Booco,Yasooman iyo goobo kale oo Al Shabaab katalinayeen ayaa laga saaray maalmo ka hor iyadoo la isku furay wadada xiriirisa buula burde & beled weyne,waxaana ciidamada ay kusii jeedaan deegaano kale oo Al Shabaab ka joogaan gobolka Hiiraan.