Waxaa socda dadaalo loogu jiro sidii looga hortagi lahaa colaad ka dhacda magaalada Garowe, xilli magaalada ay dad badani ka qaxeen xalay illaa iyo shalay.
Waxaa magaalada kusoo wajahan salaadiinta dhaqanka SSC- Khaatumo, kuwaas oo u imaanaya sidii uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada nabadda.
Madaxweyne Deni iyo mucaaradka hubaysan ayaa kala taagan mowqif adag, taasoo haddii aan xal loo helin keeni karta in gacan ka hadal xaaladu isku beddesho.
Dhinaca kalena, saakay waxaa baaqday kalfadhiggii baarlamaanka Puntland ee lagu waday in looga doodo xeer doorashooyinka ee wax la beddelay.
Qoraal kasoo baxay guddoonka baarlamaanka, ayaa lagu wargaliyay xildhibaanada, in saddex berri dib loo dhigay fadhigga baarlamaanka. Waxaana loo baajiyay sababo la xiriira colaadda mgaalada Garowe ka jirta.
Waxaa xusin mudan in aysan jirin ciidamo haatan is horfahdhiya, marka laga reebo ciidamada taabacsan mucaaradka oo kasoo baxay saldhigyadoodi, kuwaas oo soo dagay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada.
Xogtii ugu dambeysay ee naga soo gaareyso Garoowe ayaa sheegeysa in xaaladda ay meel xun mareyso islamarkaana dabaqyada ay isku fuuleen ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.
Arrinta ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah doorashada gaar ahaan Saciid Deni oo doonaya in la qabto doorasho dadweyne halka mucaaradka ay door bidayaan doorasho dadban.
Wixii soo kordha kula socda wararkeenna dambe.
Muqdisho-Somalia