Warar hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay wadada u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogeyaal ku dhow meesha qaraxu ka dhacay ayaa xaqiijiyey in lala beegsaday Gelato Divino, oo ah goob maqaaxi oo laga cunteeyo, kana soo horjeedo Sahal Terminal, oo u dhow garoonka Aadan cadde.
Xogta hordhaca ah ee la helay ayaa sheegeysa in qaraxa loo maleynayo inuu fuliyey qof soo xirtay jaakad waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, kaasi oo gudaha u galay maqaaxida kadib is-qarxiyey.
Waxaa jira khasaare kala duwan oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, inkasta oo weli aysan caddeyn tirada rasmiga ah.