Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Dugsiga Tababarka ee Janeraal Kaahiye ee degmada Xamar ee Magaalada Muqdisho.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday qof isku-soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana uu ka dhacay banaanka Maqaayad u dhow Xarunta Janeraal Kaahiye.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dad isugu jira askar iyo Shacab ay ku waxyeeloobeen qaraxa, isla markaana ay goobta xireen ciidamo ka tirsan Dowladda.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa jiwa waxana lasoo sheegayaa in uu socdo gurmad loo sameynayao dadka halkaasi ku waxyeeloobay.