Wararkii ugu dambeeyay shirka mucaaradka iyo XFS (SAWIRRO)

0

 

Sida wararku sheegayaan sheegaya in ra’iisul wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiiradiisa ay gaareen hotelka, iyada oo la sugayo musharraxiinta.

Waxaa la filayaa inuu goor dhow si rasmi ah u billowdo shirka gaarka ah ee u dhexeeya xukuumadda iyo xubnaha musharraxiinta mucaaradka, kaas oo ay haatan qaban-qaabadiisu ka socoto hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Shirkani oo ka dhigan kii ugu  horreeyay ee labada dhinac tan iyo markii uu cirka isku shareeray khilaafka doorashada, ayaa waxaa aad looga dhursugayaa qodobada ka soo bixi kara.

Marka la eego ajandayaasha ay kala wataan Mucaaradka iyo Xukuumadda ayaa aad u kala fog, ayna adag tahay in la isaga soo dhowaado, iyadoo qoloba qolada kale sugaysa in ay tanaasusho.