Wararkii ugu dambeeyay shirarkii u dhaxeeyay madaxda maamul goboleedyada iyo Farmaajo oo shir kale hor istaagay

0

Shirkii u dhaxeeya Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed ee xalay ayaa ku bilowday is afgarad iyo isu soo dhowaansho, iyadoo lagu balamay shirar kale oo kan ugu horreeya uu berri subax isugu imaan doonaan, si loo xoojiyo is faham horseeda in natiijo wanaagsan ka soo baxo shirarkooda.

Waxaa caawa loo balansan yahay shirar doceedyo mid ka mid ah shirkaas oo caawa fiidkii dhici lahaa ayaa la baajiyay, kaasoo ahaa shir dhex mari lahaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle iyo Midowga Musharaxiinta, shirkan ayaa waxaa dib u dhigay casho sharaf uu caawa Villa Somalia ku casuumay Farmaajo saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed sida Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.

Shirar kale ayaa la filayaa in caawa uu dhex maro Madaxweyne Qoorqoor iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana shirkan qeyb ka yahay dadaalada uu waday Qoorqoor ee ahaa kulamada uu ka soo bilowday isaga iyo Saciid Deni

 Farmaajo ayaa loo arkaa inuu caqabad ku yahay xal walba oo laga gaari lahaa arrimaha doorashada isaga oo mar walba keenaya dib u dhac iyo kala shaki.

Lama oga xiliga uu dhici doono shirka midowga musharaxiinta iyo madaxda Galmudug iyo Hirshabelle iyada oo Farmaajo uu diidanyahay iney isfahmaan.

Muqdisho-Somalia