Wararkii ugu dambeeyay Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Bakool

0

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in saakay uu deegaan ka tirsan Gobolka Bakool uu ka dhacay Qarax geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad shacab ah, xili ay marayeen deegaan 25 u jira degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu ahaa mid xoogan, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee saarnaa Mootada iyo dad kale oo goobta ka Agdhawaa.

Inta la xaqiijiyay 6 ruux ayaa ku geeriyooday qaraxaas ka dhacay Bakool, halka 2 qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka waxyeelada gaartay gurmad u sameeyay dadka deegaanka, iyagoo dhaawacyada loolal cararay xarun Caafimaad.

Deegaano ka tirsan Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo miinooyin ah, kuwaasi oo intooda badan lala eegtay Ciidamada  dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiya, waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan.