Home WARARKA Wararkii ugu Dambeeyay Macalin Jaamacadeed oo lagu Toogtay Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu Dambeeyay Macalin Jaamacadeed oo lagu Toogtay Magaalada Muqdisho

0
SHARE

Dabley hubaysan ayaa xaafadda Oodweyne ee dhabarka dambe Wasaaradda gaashaandhigga Somaliya waxa ay ku toogteen Macalin wax ka dhigaayay mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaal Magaalada Muqdisho.

Macalinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ismaaciil Cadow Nuur, wuxuuna wax ka dhigaayay Jaamacadda Somaliya, kuliyadda Shareecada.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Dayniile, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in macalinka uu wax ka dhigi jiray mid ka mid ah Iskuulada Turkiga ay wax ku baraan dhalinyarada Somaliyed.

Jeebkiisa ayaa laga soo saaray laba aqoonsi oo mid muujinaayo inuu barre ka yahay Jaamacadda Somaliya, halka mid kalena uu muujinaayo Iskuulada Turkiga inuu wax ka dhigo.

Lama oga sababta ka dambeysay dilka loo gaystay Macalinkaasi wax ka dhigaayay Jaamacada Somaliya ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Degmada Dayniile, ayaa Shabaab ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka loo gaystay Macalinkaasi wax ka dhigaayay Jaamacadda Somaliya.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE

LEAVE A REPLY