Wararkii ugu dambeeyay kooxo hubeysan oo askari ku dilay Muqdisho + Faah faahin

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Degmada Wadajir,isla markaana waxaa Askariga falkaas u geystay rag dhalinyaro ahaa oo watay Bastoolado,isagoona u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa durbo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo halkaas ka qaaday Meydka Askariga la toogtay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in halkaas ay ka baxsadeen kooxihii fuliyay dilka Askariga la tirsanaa Ciidanka dowladda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar la dhaca dilal qorsheysan oo geystaan ragga ku hubeysan Bastooladaha.