Wararkii ugu dambeeyay kalsooni u raadinta wasiirada magacaaban

0

Kulamo siyaasadeed oo salka ku haya olole codka kalsoonida loogu raadinayo xukuumadda magacaaban ee Soomaaliya ayaa hareeyay hoteeladda waaweyn ee magaala madaxda Muqdisho.

Xubnaha kamidka ah Golaha Wasiirada cusub oo horboodaya shirarkan ayaa beegsadey Xildhibaanada ku matala labada gole ee baarlamaanka federaalka si ay codkooda si gaar ah ugu waydiistaan.

Talaabadan ayaa loo arkaa xeelad cusub oo ay madaxda Laanta Fulinta u arkeen mid soo dedejineysa in baarlamaanka meelmariyo xukuumadda wallow aan laga sii horudhici karin natiijadda Golaha.

Intaas waxaa wehlisa, in 43 kamid ah 76-da xubnood ee xukuumadda ka kooban tahay ay yihiin mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka federaalka taasoo cel-celis ahaan ka dhigan 57%.

Ololaha codka kalsoonida loogu raadinayo Wasiirada cusub waxaa hareer socda fadhiyo kale iyo mucaaradid kale oo qaar kamid ah Xildhibaanada iyo siyaasiyiin ay wadaan kaasoo ay kaga soo horjeedaan xukuumada.

Xubnahan ayaa diidmadooda waxay u cuksanayaan wax ay ku sheegeen “dheelatirnaan la’aan” ka jirta hanaanka loo maareeyay awood-qeybsiga gaar ahaan Wasaaradaha ugu muhimsan ee xukuumada federaalka.

Lama ogga qaabka ay diidmadan u saameyn doonto ansixinta xukuumada. Labadii gole wasiiro ee ugu dambeeyay Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh u helay codka kalsoonida Golaha Shacabka taasoo ka dhalatay dadaal badan.