Wararkii ugu dambeeyay ee shirka doorashooyinka iyo Dolwadda Federalka oo ku dhagan qodob adag

0

Waxaa maanta lagu wadaa inuu dib u furmo wadahaladaii dowladda federalka iyo maamul goboleedyada u dhaxeeyay ee looga hadlayay doorashooyinka dalka kuwaa oo hakad galay Labadii maalin ee ugu dambeesay.

Kulamada ayaa ka socday aaga Xalane oo Beesha Caalamka si weyn u ilaaliso waxaana qorshaha ahaa inuu shalay furmo  balse madaxweynaha Galmudug ayaa ku maqnaa magaalada Dhuusomareeb.

Intiisa badan waxaa kulanka maanta diirada lagu saarayaa ajandaha shirka arrimaha wada-tashiga doorashooyinka iyo diyaarinta dhinacyada ka qeyb-galaya.

Rajo wanaagsan  ayey ka muujisay dowladda Federalka wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda Teendhada Afisyooni.sidoo kale Beesha Caalamka ayaa iyana fileysa in lagu heshiiyo.

Dowladda Federalka  ayaa dhankeeda  ka biyo diiday in shuruudo horleh lagu xiro fulinta heshiiska 17-kii September, kuwaas oo dib usii dhigi kara wada-hadallada haatan socda.

War saxaafadeed ka soo baxay wakiilada Beesha Caalamka xalay ayaa waxa ay ku dalbadeen in heshiis la gaaro bisha Barakeysan ee Ramadaan oo soo dhaw darteed.

Waxaa jirta walaac laga qabo inuu shirka burburo iyadoo cabsida ugu weyn ay ka taagantahay isku fahmidda ajandayaaasha looga doodi doono shirka weyn ee soo socda.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa wata shuruudo dhowr ah kuwaa oo garab ka helaya Madasha Badbaado Qaran.

Muqdisho-Somalia