Wararkii ugu dambeeyay doorashada Aqalka Sare ee Jubaland iyo Ciidan ka socda…

0

Waxaa magaalada Kismaayo ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ay wadaan Guddiga hirgalinta doorashooyinka ee Jubbaland kuwaa  oo amniga goobta loo asteeyay doorashada Baarlamaanka Aqalka Sare ku wareejiyay Ciidamada Booliska Maamulka Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban heer Dowlad Goboleed SEIT Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal ayaa warbaahinta u sheegay in ay amniga goobta doorashada ku wareejiyay Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka ee Jubbaland ayaa maanta ku wareejiyay amniga goobta loo asteeyay doorashada Baarlamaanka Aqalka Sare Ciidamada Booliska Maamulka Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban heer Dowlad Goboleed SEIT Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal ayaa warbaahinta u sheegay maanta in ay amniga goobta doorashada ku wareejiyay Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada lagu wareejiyay amniga doorashada iyo guddiga oo wada jira ayaa kormeeray xarunta lagu qabanaayo doorashada Baarlamaanka Aqalka sare ee lagu wado in ay ka dhacdo Jubbaland maanto oo ay taariikhdu ku beegantahay 29 Luulyo 2021.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka ee Jubbaland ayaa shalay diiwaan-geliyay Musharaxiinta loo soo gudbiyay ee ku tartameysa qaar kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedetaalka Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya maamulkii ugu horreeyay ee qabta doorashada Aqalka Sare, mana jiro weli dhaq-dhaqaaqyo doorasho oo ka socda maamul Goboleedyada kale ee dalka, xili dib u dhac uu ku yimid Jadwalka doorashada.