Wararkii ugu dambeeyay dagaalka magaalada Laascaanood ka qarxay

0

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogaga Daraawiishta SSC ayaa ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka bilowda jihooyin kala duwan oo dhinaca bari iyo Galbeed ee Laascaanood.

Muuqaalo lasoo duubay ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Somaliland dagaalka looga qabsaday maxaabiis iyo gaadiid dagaal iyadoo ciidamada Daraawiishta SSC ay gacanta ku dhigeen.

Dagaalka ayaa ad uga culus kana baaxad weyn dagaalladii hore ee ka dhacayay magaalada Laascaanood.

Dhanka kale Somaliland gaar ahaan wasaaradda Gaashaandhigga ayaa qoraalkan hoose soo saartay.

kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maanulka Putland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa saaka 4:30 subaxnimo weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinaca bari Magaalada Laascaanood.

 

Waxaanay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ahi ee ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer.

Masuuliyadda weerarkan waxaa qaadaysa Maamulka Puntland-Soomaliya iyo kooxaha huwanta ah ee ay hogaaminayso ayna ka mid yihiin kooxaha Argagixisada ahi.

Dagaalkan saaka ay soo qaadeen Ciidamada Puntland iyo kooxaha Argagixisada ah ee isgarabsanaya ayaa ahaa mid muddooyinkii u danbeeyey laga shaqaynayey abaabulkiisa meelo badana la isaga yimi, ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabay weerarkan ay soo qaadeen Puntland iyo huwanta la socotaa.

Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Muqdisho-Somalia

Muqdisho-Somalia