Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Laascaanood

0

Dagaal xooggan oo tan iyo saaka ka socday jiidda dhinaca bari ee magaalada Laascaanood ayaa mar kale dib u qarxay Galabta.

Ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC ayaa sida la xaqiijinayo saacado badan ku dagaallamaya jihada bari ee Laascaanood.

Dagaalka labada dhinac oo lagu tilmaamay kii ugu cuslaa ayaa ilaa iyo galbata  ka socday jihadaas.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland ay subaxnimadii hore ee saaka weerarka bilaabeen balse dib loogu riixay Taliska Gooja-cadde.

Muqdisho-Somalia