Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo maleeshiyo hubeysan ayaa dagaal wuxuu ku dhexmaray xaafadda Suuqa Boocle ee degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay ka dib markii,rag hubeysan ay amar ku bixiyeen in la joojiyo dhismo ka socday guri lacag ay ka doonayeen darteed ,hayeeshee  dadka Guriga loo dhisayay ay ku wargeliyeen  Ciidamada Booliska ee Saldhiga degmada Dharkeenleey.

Xiisada ka dhalatay Guriga la dhisaayo ayaa shalay soo bilaabatay,waxana Maanta Guriga tegay kooxdii lacagta ka dooneysay, iyada oo ay wada dagaalameen Ciidamo ka yimid Saldhiga Boolisa Dharkeenleey sida uu Risaala u sheegay qof ka mid ah dadka Xaafada Suuq Boocle.

Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalkaas,hayeeshee weli aan la cadeyn Karin inta uu la egyahay,waxaana Xaafada Suuq Boocle laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan Ciidamada wada dagaalamaya.

Si kastaba dhacdooyinka la xiriira isku qabsiga Guryaha la dhisayo si lacag looga qaado ayaa tira ka dhowr jeer ah ay kusoo bateen Magaalada Muqdisho,waxaana taliska Ciidanka Booliska iyo xooga ay kasoo saareen digiin adag.