Wararkii ugu dambeeyay ciidamo isku hor fadhiya banaanka Guriceel

0

Ciidamo Dowladda iyo kuwa Galmudug oo fariisimo cusub ka sameystay deegaano u dhaw Guriceel halkaas oo todobaadyo kahor la wareegeen kooxda Ahlusunna.

Ciidamada ayaa dhowr jaho ka dagay magaalada, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada taabacsan Sheekh Shaakir ay dhufaysyo ka qoteen magaalada dhaxdeeda iyo daafaheed.

Galmudug ayaa doonaysa in gacanteeda ay dib ugu soo celiso Guriceel halkaas oo dhaqaalo badan uu kasoo gali jiray Galmudug.

Dhanka kale ciidamada Ahlu-Sunna ayaa sidoo kale dhufeyso ka sameestay banaanka magaalada Guriceel.

Waxaa suuragal ah saacad walba inuu halkaasi dagaal ka dhaco iyadoo dadka deegaanka ay bilaaban iney qaxaan halka kuwa kale ay dalbanayaan in dagaalka la joojiyo.