Wararkii udambeeyey Qarax Ismiidaamin ah Oo ka dhacay Muqdisho+Khasaaraha

0

Wararkii ugu dambeeyey Ee Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa kasoo baxaya Faah faahin cusub.

Qaraxa ayaa ahaa qof isku soo rakibay Waxyaabaha qarxa isagoo beegsaday Maqaaxi ku dhaw Isgoyska Sayidka Ee Muqdisho.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Weerarkaas iyadoo inta badan meesha la weeraray ay imaan jireen ama ay fadhiisan jireen Xubno katirsan Dawlada Soomaaliya iyo Dad Shacab ah.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Seddex Qof ay ku dhinteen Qaraxaas oo isku qoys ahaa dhamaantood.

Saalax Carab ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan dad ku dhaawacmay,kuwaas oo Hal Qoys ubadnaayeen islamarkaana ay dadku sheegeen inay ahaayeen qaraxa mid jugtiisa meelo kala duwan laga maqlay.