Wararkii U Dambeeyey Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Kismaayo

0

Warar dheeraad ah ayaa Warqaad ay ka heleysaa Qarax Xoogan oo laga maqlay Saacado ka hor Magaalada Kismaayo Ee Caasimada Dawlad Gobolleedka Jubbaland.

Qaraxaasi ayaa ahaa Bamka Gacanta laga tuuro oo lala eegtay Fariisin Ciidanka Amniga jubbaland kusugnaayeen Xaafada la yiraahdo Farjano.

Qaraxaasi ayaa waxa la sheegay in Seddex Qof oo mid Askari yahay ku dhaawacmay,iyadoo lasoo tebinayo in Ciidamada Kadib Howlgalo bilaabeen.

Dad kusugan Kismaayo ayaa sheegay in xaaladu markii dambe caadi kusoo laabatay,mana jirto faah faahin kasoo baxay Laamaha Amniga Jubbaland.

Al Shabaab maalmo ka hor Qarax ay gaarigiisa ku xireen waxay ku dileen Gudaha Kismaayo Xildhibaan Khaliif Haashim oo katirsanaa Baarlamaanka 2aad Ee Jubbaland.