Wararkii u dambeeyay DoorashadaAqalka Sare ee maanta ka dhaceysa Hirshabelle iyo lacag loo qeybiyay….

0

Waxaa maanta magaalada Jowhar ka bilaaban doono tartanka doorashada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya waxaana lagu bilaabi doonaa kuraasta ku fadhiyaan Senator Muuse Suudi Yalaxow, Fartuun Cabduqaadir Karaama iyo Prof Maxamed Cusmaan Dhagajuun.

Wali guddiga doorashada ma shaacin kuraasta maanta lagu bilaabi doono doorashada, hase yeeshee xogo aan helay ayaa soo sheegaya in 3-daas kursi lagu bilaabi doono.

Kursiga Muuse Suudi ku fadhiya ayaa lagu bilaabi doonaa waxaana ku tartamaya.
1- Muuse Suudi Yalaxow
2- Axmed Xasan Cadow ( Daaci )
3- Cabdullaahi Sheekh Xasan
4- Dr Xasan Cadaay Cali

Kursiga Senator Muuse ayaa ah kan ugu adag guud ahaan doorashada HirShabeelle ee Aqalka Sare waxaana ku loolamaya dhowr Murashax.

Dhinaca kale, waxaa aad u xoogan wararka sheegaya in shalay Jowhar la geeyay lacag laga qaaday Muqdisho, taasoo la sheegay in ay dhiibtay kooxda Fahad iyo Farmaajo waxaana lasiiyay qaar kamid ah Xildhibaanada  oo Villa Soomaaliya ku maalgelineyso qaar kamid ah Murashaxiinta Aqalka Sare ee doorashadooda ka dhacayso Jowhar.

Afayeenka Hirshabelle oo goor dhaw qoraal soo saaray ayaa sheegay in doorashada ay dhici doonto islamarkana ay noqon doonto mid daahfuran oo si cadaalad ah ku dhacda.