Home WARARKA Warar lama filaan ah oo kasoo kordhay Wiil uu dhalay Hogaamiyaha Al...

Warar lama filaan ah oo kasoo kordhay Wiil uu dhalay Hogaamiyaha Al shabaab oo la sheegay in la dilay

0
SHARE

Gudoomiyaha degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Sh/Hoose Muxudiin Khaliif Caliyow ayaa beeniyay in degmadaasi lagu dilay Xubno sar sare oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib markii Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ay sheegeen in howlgalka ay si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo Mareynkan ah ay ku dileen  12 Dagaalame iyo Labo sarkaal oo Al-shabaab ah.

Sidoo kale ciidamada  waxa ay howlgalka ku dileen wiil uu dhalay Hogaamiyaha  Al-shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa xusay magacyada Xubnaha  lagu dilay howlgalka kuwaasi oo magacyadooda ay ku sheegeen  Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur(Faruur)

ragga la dilay  waxaa la socday  wiil uu dhalay  hogaamiyaha Al-shabaab Axmed diiriye Abuu Cubeyda kaasi oo Magaciisa ay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay ku sheegeen Xasan Ahmed Diiriye Abuu cubeyda kaasi oo ciidamada ay ku dileen Howlgalka.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay soo gudbin doonaan xilalka ay hayeen ragaan ka tirsan Al-shabaab.

Gudoomiyaha ayaa beeniyay wuxuuna tilmaamay in howgal uusan ka dhicin deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Hoose, sidoo kalana uusan jiran dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo la dilay.

Dhankale Gudoomiyaha degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Sh/Hoose Muxudiin Khaliif Caliyow oo dibad joog ka ah degmada uu ku magacaaban yahay ayaa tilmaamay in uu Wado qorshe uu degmada Kuntuwaarey kaga saarayo dagaalamayaasha Al-shabaab oo hadda gacanta ku haaya Degmadaasi.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE