War hadda naga soo gaaray Kismaayo & Xildhibaanadii Isbadel Doonka Oo…

0

War goordhaweyd naga soogaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dhaariyey goordhaw Xildhibaanadii Golaha Isbadel doonka Jubbaland ay ku dhawaaqeen Shalay Subax.

Waxa Dhaarinta kadib goobta ka kala dareeray Xubnihii meesha joogay si aysan ula kulmin Ciidamada Amniga Jubbaland oo la amray inay soo xiraan dadka meesha jooga.

Xaalka ayaana ahaa mid lagu kala tegay balse Xildhibaanada la sheegay in badankood la dhaariyey.

Waxaa ka maqnaa goobta qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Isbadel doonka jubbaland ku dhawaaqeen oo hore Kismaayo looga soo musaafuriyey ayna adkaan doonto siday ku tegi lahaayeen maadaama ay Mucaarad ku yihiin Madaxweyne Axmed Madoobe.

Lama oga sida ay noqon doonto xilli shalay iyaguna Xildhibaanada 73 Ahaa la dhaariyey,hadda Jubbaland waxa is garab socda labo Baarlamaan inkastoo fowdo iyo jahwareer siyaasadeed la dareemayo.

NAGA FILO WIXII SOO KORDHO INSHA ALLAAH